Wax baad ka dhagaysataa amma daawataa kuwaasi oo aan inta badan faa’ido lahayn
Nin gaboobay, qof fursad waayay, iyo middle ku ciyaaray ayaa garan kara maanta wixii tacliin iyo wakhti uu halleeyey isaga oo awood u lahaa, fursado qaali ahna haystay isaga oo ka qoomamaynaya aqoon darrada iyo jahligu halka uu geeyey. Kaagama sheekaynayo akhristeyahaw suubani qiimaha wax barashadu leedahay oo taasi hareerahaaga ayay ka muuqdaan. Subaxdaad toosto iyo tallaabadaad qaadoba mutacalimiin ayaa dunidani ku soo kordhaya, waxbay soo kordhinayaan. Iyagaa dunida ugu degan, iyagaana u fikiraya oo sheekhu wuu kaa cilmi badan yahay xilliga uu dadka wacdiyo ayuu ka sii cilmi badan yahay, proffesar ku sidoo kale weeyaan, dhakhtarkuna markasta oo uu shaqada faraha kula jiro ayuu sii faa’idaystaa. Wax baro oo xafid, hana samaynin waxaad baratay, taasi ayaa dunida ugu nasiib xun. Waad dedaalaysaa xilliga aad dugsiga tegeysid, xilliga aad masaajidka diinta ka soo baranaysid, xilliga aad buugaag akhriyaysid laakiin dedaalkaasi halkee ayuu ku dambaynayaa haddiiba marka aad ka soo baxdo qolkii aad wax ku dhiganaysay ee gurigiina timaaddo halka aad ku tuurto buugaagta subaxa dambena ka soo qaado, maalinta imtixaankana maanka ku daaliso inaad xafiddo. Tacliintu gebi ahaanba haddii aad isku hesho fahan iyo ficil ayay kuu macaanaanaysaa oo jeclaysanaysaa inu qalinka iyo buugu saaxiibkaaga kowaad ahaadaan, maalaayacniga iyo wakhti lumiskuna cadawgaaga kowaad ahaadaan.
Waynu hadalnaa, wax baynu daawanaa, waynu dhagaysanaa, oo intaasi waxbaynu ku mashquulsan nahay ee weli wax ma akhrinay?
Marka loo eego soomaali gebi ahaanba meel kasta oo ay joogaan fursado badan ayay ka faa’idaysan waayeen; dhalliishana iyaga ayaa iska leh. Xilliyadii ka horreeyey ee xataa quraanka loogu keenay ardaayadooda iyaga iska dhaafe ubadkooga inay xoolo u diraan ayay ka home bidayeen barashada quraanka.Leggi tutto